X

Amisom oo la shaaciyay xilliga ay baxayso

Amisom ayaa la shaaciyay xilliga ay ka baxayso Koofurta Somaliya. Sida uu sheegay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika xilliga u haray AMISOM oo ah 2 sano ayaa ciidamo la dhisayaa ciidamada Soomaaliya oo la wareegi doona ammaanka goobaha ay AMISOM gacanta ku heyso.

Midowga Afrika ayaa shaaciyay in howlgalka raacsan ee ciidamadooda Soomaaliya ku sugan la soo afjari doono bisha Oktoobar ee Sanadka 2018

Dib u eegis lagu sameeyay howlgalka AMISOM ayaa la qorsheeyay in qorshe Soomaaliya looga saarayo ciidamada AMISOM iyadoo qorshahaasina lagu asixiyay kulankii 608-aad ee dhowaan ka dhacay Magaalada Addis Ababa.

Warbixinta Golaja Ammaanka Midowga Afrika ayaa sheegeysa in la fulinayo qorshaha CONOPS oo ah xoojinta iyo dardar gelinta howlgallada Ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, waxaana la soo afjarayaa howshii AMISOM ee Soomaaliya oo bilaabatay 2007.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.