X

Faransiiska oo u xoog sheegtay Jarmalka una soo baxay ciyaarta kama dambeysta: SAWIRO

Xulka Faransiiska oo gurigooda jooga ayaa u xoog sheegtay xulka dalkaasi Jarmalka oo iyagu gacan sareeyay ciyaarta intii hore oo dhan inkastoo markii rigooraha laga dhaliyay ay muujiyeen weerar la’aan.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatey laba gool iyo eber iyadoo goolka hore u ahaa rigoore la siiyay Faransiiska inkastoo muran badan ka taagnaa, haljka goolka labaadna si fudud uga dhashay.

Jarmalka ayaa isku dayay in uu ciyaarta qaybteedii u dambeysay gujiyo difaaca Faransiiska oo muujiyay isku kalsooni ciyaarta intii u dambeysay.

Farnsiiska ayaa waxa sugaya ciyaarta kama dambeysa wuxuuna faaiido qabaa in uu hurigiisa ku ciyaartayo. Waa markii u horeysay ee Faransiis garaaco Jarmal ciyaar caalami ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.