X

Amniga Muqdisho oo horumar laga sameeyay in dad dembiyo galay oo la qabtey

Taliye kuxigeenka Booliska Somaliya Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay dadka la soo qabtay inay ku jiraan gacan ku dhiiglayaal ka tirsan dhiigmiiratada kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab oo horey dil uga geystay Magaalada Muqdisho.

Waxay sheegtay xogta lagu hawlgalayay inay ka heleen shacabka Somaliyed oo maalmahan dambe kordhiyay wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidamada Booliska.


“Waxaan idin sheegayaa hawlgalo ka kala dhacay Muqdisho waqtiyo kala duwan in lagu soo qabtay dad badan oo dambiyo kala duwan ku eedeysan, xogta aan ku hawlgalnay waxaan ka helnay shacabkeena, waxaan diyaar u nahay inaan kordhino dagaalka aan kula jirno argagixisada.” ayay tiri jeneral Sakiya.

Waxa mudooyinkii dambe kordhey argagixisada iyo taageereyaashooda Muqdisho ka buuxa oo kordhiyay isqarxinta iyo miinoyinka loo dhigo gawaadhida dadka.


Waxay bilihii ina soo dhaafeen xasuuqeen in ka badan 400 oo qof oo ay dheertahay dilalka qorsheysan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.