X

Amniga xarumaha degmooyinka Muqdisho oo la adkeeyay

Amniga xarumaha degmooyinka oo la adkeeyay kafib markii kooxda gaalaynta Muslimiinta ay xasuuqyo ba’an ka gaysatey labausbuuc oo isku xiga.


Degmooyinka qaar ayaa la sheegayaa in dhagaxaan iyo biro waa weyn lagu jaray wadooyinka gala, sidoo kalena ay jirto feejiganaan dhanka ammaanka ah.


Ciidamo hor leh oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa la geeyay xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, si ay u xaqiijiyaan islamarkaana ula socdaan dhaq dhaqaaqa xeendaabka xarumaha.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan inay yaraadeen dadka adeegga u doonta xarumaha degmooyinka iyaga oo ka cabsi inay dhibaato ka soo gaarto weerarada ay suurtagalka tahay in lala bartilmaameedsado xarumahaasi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.