X

Hooyada dhashay Cabdi Iley oo sheegtay in xabsiga lagu garaacay

Hooyada dhashay Cabdi Iley ayaa sheegtay in xabsiga lagu garaacay oo ay arkeen iyada iyo xaaskiisa. Waxase dad badan iswaydiinayaan waxay u arki waydey markii uu ku tuman jirey dadka ku jirey xabsiga Jigjiga.


Waxa ay sheegtay inay qaylisay iyada iyo xaaska Cabdi Maxamuud Cumar oo wada socda, islamarkaana raggii xabsiga haystay ay soo eryadeen, sidoo kale waxa ay tilmaamtay in dhulka madaxa looga garaacay Cabdi Maxamuud Cumar, xittaa uu gabay codkii taaha ahaa ee xanuunka.


Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayay ka codsatay in arrintan deg deg wax looga qabto, wiilkeedana xabsiga laga sii daayo, maadaama sida ay sheegtay xanuuno kala duwan uu qabo.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27-kii August ee sanadkan lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa, kadib markii gurigiisa ay ka soo kaxeeyeen ciidanka Itoobiya, eedeymaha loo heysto waxaa ka mid ah xadgudubyo ka dhana SOMALIDA iyo kufsi joogta ah.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.