Waxa doorashadan ka dhici doonta Somaliya ee ku salaysan nidaamka quursiga ah ee 4.5 ku soo biirey waxa loogu yeeray aqalka sare, waxaanan qormadey ku eegaynaa ujeedada iyo halka aqalkan salka ku hayo.
Waxa dadka aad uga xumaadeen in kuwii hore u fashilmey sida Faroole, Cumar C/rashiid, qabqable Cabdiqaydiid, iyo kuwo kale ay durba ka qayb nodeen aqalkan sare ee aan la garanayn waxa faaiido uu ugu jiro Somalida.
Ujeedada aqalka sare aHaa in uu kuraas badsi u noqdo jufooyinka qaar si ay isbedel u sameeyaan una kuraas badsadaan maadaama ay 4.5 tiro fiican ku heli waayeen.
Waxa fikir ahaan laga keenay Maraykanka, waxana lagu soo daray heshiis Mahiga qayb ka ahaa oo u dhexeeyay fadhiid Faroole iyo fadhiid Sheekh Shariif. Dabcan labaduba waxay u ordayaan in ay dalkeena xukumaan. Faroole ayaa rabey in uu kuraas badan ku helo aqalkan sare.
Laakiin waxaad is waydiin kartaa ujeedadii laga lahaa malagu guuleystay, si markad u eegto haa oo Faroole wuxuu ku jiraa dadka aqalkan soo galey isagoo dhinaca kale rajaynaya in uu madaxweyne noqdo. Laakiin sadbursigii laguma guulaysan.
Waxase aad looga xumaadey dadka lagu biilayo halkan iyo halka lacagtan laga keenayo la siinayo dad dheregsan xilli baahi badan dalka ka jirto. La isma waydiin taas waxase la doorbidey in siyaasada lagu daro.
Waxayna ka mid tahay waxyaabaha fadhiid Xasan Sheekh oo raba in uu inagu soo noqdo uu hirgeliyay.
Somaliya uma baahna aqal sare waxayse u baahan tahay in xitaa aqalka hoose la yareeyo lagana dhigo 120 kursi si aan loo biilin dad aan la garanayn shaqada ay u hayaan shacbiga Somaliyeed.
Ujeedada aqalka sare ayaa kaliya ahaa SADBURSI Somaliduna ma oga faaiido uu u leeyahay. Waxa dalka ka jiro in ku dhow 400 oo xildhibaan oo lagu sameeyay nidaamka duugoobey ee laba gobol iyo badh oo asalkiisuna ahaa SADBURSI.
Waxaad is waydiin kartaa sida nidaam sidaasa uu u shaqayn karo iyadoo ayna jirin awood kala hagta. Waxa taasna kuu muuqda in uu jiro gumeysi cusub oo ay fulinayaan fadhiidyada dalkeena soo maray ama madax ka noqda sida Xasan Sheekh.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay