Aqalka sare ee barlamaanka Somaliya ayaa cod u qaadey in shirkada Carabta ee DP World laga madnuuco dalka. Waxa cod sidaasa meel mariyay golaha shacabka. Shirkadan ayaa ah dhiigmiirato dalalka masaakiinta dhiiga ka jaqda.
Xildhibaanada aqalka sare ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay xeerkaan dalka looga mamnuucaayo DP-World.
Xeeeka waxaa ogollaaday 28 xildhibaan waxaa diiday 6 xildhibaan waxaana ka aamustay 2 xildhibaan sidaas ayuuna xeerka ku meel mariyay.
Madaxweynaha jamhuuriyadda maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa laga sugayaa in uu saxiiixo xeerkaan si uu rasmi ahaan ugu dhaqan galo dalka oo looga saaro shirkadda kibirka badan ee yastey qaranimada iyo iskuduubnaanta dalka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay