X

Aqoonta booliiska Somaliya oo korodhey iyo dhalinyaro wax bartey oo galay: SAWIRO

Tayada ciidanka booliiska Somaliya ayaa korodhey kafib markii lagu soo daray dhalinyaro wiilal iyo gabdho leh oo ku mid noqdey ciidanka awal tayada xumaa.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xamud, aya suurageliyay in ciidamada Booliska Somaliyed ay ka mid noqdaan dhalinyaro waxbaratay.

Wuxuu sheegay Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed ciidanka inuu noqday kuwa wanaagsan oo dhinac kasta ka dheeli tiran, marka loo eego dhalinyarada aqoonta leh ee ciidamada ku soo biiraya.

Jeneral Xaamud ayaa ugu baaqay dhalinyarada Somaliyed ee waxbartay inay ka mid noqdaan ciidamada Booliska Somaliyed si ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeeyaan

Waxa uu intaasi hadalkiisa ku daray Booliska qaybahooda kala duwan inay ku socdaan dib u dhis xoogan si loo helo tayadii ay lahaan jireen ciidamada Booliska Somaliyed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.