X

Tiro intee leeg oo Muslimiina ayay dileen labada argagixiso ee Daacish iyo Shabaab: WARBIXIN

Tiro intee leeg oo Muslimiina ayay dileen labada argagixiso ee cadow ee Muslimiintu leedahay ee Daacish iyo Shabaab. Waxay ahayd maalin farxadleh oo dadku qumaati u socdey caasimada dalkaasi Baqdaad.

Waxa hooyo, aabo iyo qofkasta oo awooda in uu iska farxiyo ilmahiisana ka farxiyo u dhaqaaqeen suuqa weyn ee laga dukaameysato ee ku yaal caasimada Baqdaad iyagoo rajaynaya in ay farxad kala soo noqdaan.

Laakiin taasi ma dhicin waxana farxadaa ARGAGIXISADU ugu  bedeshay naxdin iyo oohin kadib ay laba qarax ku tirtireen dhamaan suuqii dadku camirnaa.

Argagixisada ayaa dhiigoodu kacaa marka ay Muslimiin farabada laayaan iyagoo yiraa ALLAAHU AKBAR. Ma sheegtaan dilalka halka QOF iyo labada wayna iskala weyn yihiin..halka RABIGEENA u yahay halkii qof ee la diley mid aduunkoo dhan la diley.

Waxaa laguugu sheekeeyay dadka halkaas lagu diley waxay ahaayeen dad Shiico ah oo Sucuudiga iyo argagixisada uu taageeraa ee Daacish u ah bartilmaameed. Waxayse ahaayeen reer Ciraaq oo dhan.

Waxaanse ognahay in argagixisada bartilmaameedkeedu yahay cidkasta oo aan ku raacsanayn fikradooda xagoodana ka yihiin GAALO oo ayna kala jeclayn hadaad ilmo yar tahay, hooyo weyn tahay, odey da’tahay oo aan socon Karin.

Waxay goobtaas ku dileen 292 qof oo Muslimiinta reer Ciraaqa oo cidkasta isugu jirta, dhaawaca lama tirin karo waayo goobtu waxay ahayd goob suuqa oo si aada loo camirnaa. Waxay wali dadku u dhimanayaan dhaawacyadii soo gaarey.

Waxa goobtii hadda laga dhigey goob xabaalo ah maadaama dadka laga soo saari kari waayay dhismaha sida xun ay u qarxiyeen. Waxa xasuuqaas ka horeeyay mid ay isla caasimada ku dileen 50 qof.

Argagixisada ay walaalaha yihiin ee Shabab waxay iyaduna Muqdisho ku dishey dadka ugu badan Somaliya oo dhan. Huteelada ay weerartay waxay dhimashadu maraysaa ilaa 80 qof…

Dhaawaca iyo dadka naafoobey ayaan jirin cid tirakoobtey maxaa yeelay fadhiidnimada kuwa sheegta dawlada ayaa keentay in aan dadkaas halkaas lagu ilaawo.

Ilowshahaasi wuxuu keenaa in argagixisada la iskaba ilaawo iyo dhiigii ay daadiyeen oo lagu mashquulo wax aan ummada dan u ahayn…aakhirkiina waxa lagu soo hadhay erayga batey ee RABI HA U NAXARIISTO.

Dalkaasi Afghanistaan ee argagixisadu ka soo bilaabantey waxa sadex cisho kahor dhiigmiiradka Daacish ku xasuuqdey ku dhawaad 65 qof oo lafahooda wali laga nadiifinayo caasimada Kabul.

Argagixisadu waxay si fiican ugu farxaan in ay sheegtaan xasuuqa dad Muslimiina oo ay GAALEEYEEN haddana dhiigooda xalaashadeen. Waa kooxaha GAALEYNTA ee inta taariikhda Muslimiintu jirtey ku faana dhiiga Muslimiinta ay gaaleeyaan.

Shalay oo u dambeysay waxa kooxda Daacish ay xasuuqeen in ka badan 60 qof magaalada Qamishi ee ku taal dalkaasi Suuriya, waxana Jira boqolaal ku naafoobey iyo dhaawacyo halisa.

Ilaa hadda wadamada Muslimiinta ee xorta ah ma jiraan QORSHE looga hortagayo kooxahan GAALEEYA Muslimiinta waxayse ku ekaadeen in ay sida Muslimiinta aan awooda lahayn yiraahaan RABI HA U NAXARIISTO.

Mana jiro qorshe lagu ciribtirayo run ahaantiina waxay argagixisadu si xora u wataan una faafiyaan caqiiqadooda GAALEYNTA iyagoo caruurteena wax ugu dhiga malcaamadaha aduunka oo dhan.

Tirada bilahan u dambeeyay ee labada argagixiso dileen waxay ku dhow dahay 1000 qof waxana aan la tirin Karin inta naafowdey iyo inta dhaawac la jiifta ee bulshada wax u tari lahaa.

Haddii aan QORSHE laga yeelan lana xusina dadkaa ay xasuuqeen cadowgan Muslimiintu waxa dhacaysa in wadan walba goonidiisa loo ugaarsado.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.