X

Aqoonyahanada Somalida Koofur iyo Woqooyi oo walaac ka muujiyay hadal ka yimi Dubay

Aqoonyahanada Somalida Koofur iyo Woqooyi ayaa walaac ka muujiyay hadal ka yimi Dubay gaar ahaan ninka haysta shirkada dekedaha ee gobolkaasi Dubay.

Ninkan ayaa si cad u sheegay inuu Somaliland u aqoonsanayn inay tahay gobol ka mida Somaliya laakiin buu yiri ay tahay gobol madaxbanaanaa muddo 28 sano ah.



Waa hadal meel ku dhaca ayuu yiri Faysal Rooble oo darsa siyaasada Somaliya ahna aqoonyahan. Siyaasiyiinta reer Woqooyiga ayaa iyaga laftoodu dareemay in dalka lagu soo duuley inkastoo at muddo sheegayeen inay go’een.



Siyaasiyiintan reer Woqooyiga ayaa qaba in arinta siyaasaduy u dhaxayso Somalida dhexdeeda ayna tahay aakhirka kuwa isku hadhaya ee aan kala tageyn.

Waxa isa soo taraya dareen ah in dawlada Farmaajo ka gaabisay falcelinta arintan sida inay bilowdo cadaadis ay saaraan dawlada Imaaraadka oo masuul ka ah gobolkaan Dubey.



Somaliya ayaan waxba u waayayn haday xiriirka u jaraan Dubey oo iyadu ku nool malaayiinta doolar ee Somalidu geliso ayagoo ka soo iibsada alaabo riqiisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.