X

Araabinews oo booqatey deegaanada Jabanta iyo Dhoqle oo ka tirsan ismaamulka Somalida

Araabinews ayaa booqatey deegaanada Jabanta iyo Dhoqle oo ka tirsan ismaamulka Somalida. Deegaanadan oo ah dhul beeralay u badan aadna loo degan yahay ayaa waxaan na kulanay xilli la jarayo beeraha.

Waxay deegaanadani u dhow yihiin ARAABI IYO DAMBAL.

Jabanta iyo Dhoqle ayaa ku yaala dhul biyuhu aan sidaa u dheerayn laakiin kaliya u baahan in biyahaas looga faaiideeyo si dhaqaalaha deegaanku u kordho, dadkuna u tabcadaan beerahooda.



Dadka ayaa ku nool biyaha roobka oo la ogyahay inay xilliyo leeyihiin. Waxaan kale oo aan booqanay xarunta caafimaadka ee Jabanta oo ay joogeen dad karti leh.



Sawirka kore iyo ka hoose waa xarunta caafimaadka ee Jabanta

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.