X

Maxkamad ku taal Puntland oo dhalinyaro xukuno ku ridey iyo dambiyada ay galeen

Maxkamad ku taal Puntland ayaa dhalinyaro xukuno ku ridey iyo dambiyada ay galeen. halinyaraddaan ayaa lagu eedeeyay falal Amniga lidi ku ah Ammaanka in ay ka geysteen magaalada kadib markii lagu helay inay dhaawac ugeysteen, islamarkaana ay ka furteen moobaylkeedii Dhibbane lagu magacaabo Sundus Cabdiraxmaan Maxamed.



Maxamed xareed Cali Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay dhalinyaradaan la xukumay inay ahaayeen arday maalintiina waxbarta habeenkiina caadaystay inay dadka jidadka u galaan oo ay furtaan. .

ixda dhalinyaradda ee xukunka lagu riday ayaa lagu kala Magacaabaa:
Saacid Cabqaadir Xasan, Ina Xiddo Xasan, lagu xukumay 2 sanno.



Cabdinajiib Maxamed Cabdiraxmaan, Ina Seynab Cabdiraxmaan, lagu xukumay 2 sanno.
Maxamuud Cabdiqaadir Xuseen, Ina Shariifo Xasan, lagu xukumay labo sanno.
Cabdifitaax Salaad Maxamed , Ina Aamino Warsame, lagu xukumay labo sanno.
Shaakir Cabdi Noor Maxamed, Ina Raxmo Warsame, lagu xukumay labo sanno.
Jaamac Cabdi Jaamac, Ina Maandeeq Maxamuud, lagu xukumay labo sanno.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.