Sanca–Kadib weerarkii qaawanaa ee diyaaradaha Sucuudiga ee loo wado ay ku qaadeen Sanca ayaa waxa soo baxaya khasaaraha xasuuqeed iyo burbur hanti muslima oo ay u gaysteen. Xasuuqa ay gaysteen ayaa kor u dhaafaya 12 qof iyagoo waliba sii wada weerarka halka Maraykanku bixinayo bartilmaameedka la weerarayo.
Madaxweynihii hore oo u baxsaday Sucuudiga iyaguna u soo direen diyaarad khaasa ayaa sheegay in xuutiyiinta lagu celin doono halka ay ka soo duuleen oo uu u jeedo in uu filayo in kursiga lagu celiyo.
Sucuudiga ayaa wadamada fiqiirka ee sida Somaliya, Sudan, Bakistaan waydiistey in ay dagaalka la galaan halka Sucuudigu haysto lacag kana dad badan yahay Xuutiyiinta oo taageero yar ka helaya madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdalle Saalax.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![DUQEYN-SANCA-1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/03/DUQEYN-SANCA-11.jpg)
![DUQEYN-SANCA-3[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/03/DUQEYN-SANCA-311.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay