14/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

ARAG sida argagixisada Sucuudigu u xasuuqeen toban masaakiina oo ka shaqaynayay warshad caaga samaysa

Argagixisada Sucuudiga ee dagaal diimeedka iyaga u gaara kula jirta masaakiinta Yaman ayaa xasuuq ba’an ka gaystay warshad caaga samaysa oo ku taal Yaman. Warshadan ayaa diyaaradaha Sucuudigu weerareen saqdii dhexe mar ay shaqaaluhu ka shaqaynayeen shaqada habeenkii.. waxana goobta ku basbeelay dhaman intii ka shaqaynaysay.

Xasuuqan ayaa imanaya iyadoo Maraykanku ogolaaday in uu ka iibiyo Sucuudiga iyo kuwa kale ee xasuuqan ka qaybqaadanaya gantaalaha ay isticmaalayaan diyaaradaha Maraykanka ee Sucuudigu iyo kuwa kale isticmaalayaan kadib booqashadii gacan ku dhiiglaha sheeganaya boqorka Sucuudiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM