November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Daawo: wadan Muslim ah oo dhaqan xumo gabdhaha la afduubo kadibna la guursado

Kirgistaan waa wadan ka mid ahaan jirey midowgii Soofiyeeti ama Ruushkii hore wuxuuna xad la leeyahay Shiinaha, mana laha bad, waxana ku badan buuraha. Waa dal Muslim ah waxayse dhaqan u leeyihiin in gabdhaha la afduubo kadibna la guursado.



Dhaqankan foosha xun ayaa la yareeyay xilligii dalku ku jirey Midowgii Soofiyeeti waxayna dadku mudan jireen xabsi haddii lagu arko gabadh la afduubayo kadibna la guursanayo.

Hooyo iyadu dhashay gabadha filimkan ku jirta ayaa sheegtay in iyadaba sidaa loo soo afduubey loona guursadey oo ay aqbashay markii dambe maadaama ayay tiri ay ahayd 25 jir.



Filimkan ayaa waxa ku Jira gabadh si toosa loo afduubayo kadibna dagaalamaysa laakiin markii dambe aqbashay in la guursado, inkastoo yarka soo afduubey ay hore sheeko gaaban u wada socotey, inkastoo ayna diyaar u ahayn guur oo ay rabtey in ay waxbarato.

Ayadoo diinteenu shaqo ku lahayn dhaqamada foosha xun ee noocana, waxaadse moodaa midkan in loo dulqaatay oo labada oo isku diyaara marka dambe sheekhu meheriyo iyagoo xora.



Waxa intaas dheer in marka dambe ay cafis waydiistaan gabadha reerka dhalay kadibna ay bixiyaan wixii lagu amro.

Gabadha ayaa habeenka u horeeya ee aqal-galka waxa la hoos dhigaa maro cad si loo ogaado in ay bikro ahayd iyo inkale. Waana dhaqan kale oo diinta ka baxsan laakiin ay kala siman yihiin wadamada Eeshiya Koofureed. Hadayna Bikro ahayn waxa dhacda in la soo ceyriyo.



Dalka waxa ka socota wacyigelin sida Somalidaba looga wacyigeliyo halka dhaqan ee foosha xun ee gudniinka oo diinta aan wax shaqo ah ku lahayn, ayaa loo sheegaa in afduubka joojiyaan iyadoo ay jiraan gabdho suuqa laga afduubo kadibna iyagii is dileen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM