X

Argagixis nin booliisa toogtey oo gacanta lagu dhigey: SAWIRO

Waxa shalay shacab ku dhaqan magaalada Muqdisho ay qabteen argagixis dhiigmiirato oo toogtey askari booliisa kadibna isku dayay inuu baxsado laakiin shacabku isku duubeen una dhiibeen laamaha amniga. Dhiigmiiradkan aan soomin diina wax ka garanayn ayaa bilaha Ramadan xalaalaystey dhiiga muslimiinta.


Waa markii ugu horeysay ee dadka magaalada Muqdisho oo lagu tiriyo inay tools ula shaqeeyaan argagixisada ay ogaadeen inay ku dhamaadeen dhagarta argagixisada.


“Runtii waxaan leehay waa wax lagu farxo in dadkii qarinaayay argagixisada ee markasta Oran jirey sii daaya ay maanta iyagii iska qabanayaan ayuu yiri Cali Calasow.

Argagixiskan ayaa maanta la soo bandhigey isaga iyo qorigii uu Ku dhaawacay askariga booliiska ee ku jirey hawsha qaran.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.