X

Argagixis sheekh ku dhex dilay masjid ku yaal Baydhabo oo xukun ku dhacay

Argagixis ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab oo sheekh ku dhex dilay masjid ku yaal Baydhabo ayaa xukun ku dhacay. Sheekhan ayaa taraawiix ku jiray xilligan gacan ku dhiiglahan ay soo direen argagixisadu toogtey.


Warbixin dheer oo laga diyaariyay siduu dilku u dhacay ayaa lagu soo faqay sida gacanku dhiiglahan oo aan salaad tukan uu ku dhiiradey inuu sheekha masjid EEBE oo ah goob cibaado uu ku dhexdilo kadib markii ay u suurtoobi weyday inay meelkale ka helaan.


Sheekha uu diley sanadkii hore ayaa lagu magacaabi jirey Sheekh Madeer Madgaab Caliyow wuxuuna ahaa culimada waaweyn ee magaalada Baydhabo.

Waxa dilka toogashada goob joob ahaa masuuliyiinta maxkamada. Dadka ayaa aad uga xanaaqay dilka foosha xun ee kooxda gaalaynta Muslimiintu u gaysteen sheekha dalbadeyna in hore laga khaarajiyo, waxayse noqotey in mudadaas la sugo.


Sawirka hoose waa gacan ku dhiigle Maxamed Aadan Cali Booroow

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.