X

DEG DEG: Argagixis waday gaari ku qarxay Muqdisho oo gacanta lagu dhigey

Wararkii u dambeeyay qarax kooxda gaaleynta Muslimiintu ka gaysatey Muqdisho gaar ahaan xaafada Wadajir isgoyska Kaawa-godey. Wasiirka amniga ayaa warkan farxada leh la wadaagey shacabka Somaliyeed oo saaka oo u dambeysay ay kooxda gaalayntu ka xasuuqeen 16 qof.


Waxaa jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo ka dhashay Qaraxa, dadka goobta lagu xasuuqey ayaa ahaa dad lafahooda u raadsanaya nolol-maalmeedka.

”Waa caadi Muqdisho hadaan guriga lagugu dhexdilin oo suuqa hadana u baxdo haku tashan inaa nabad ku soo hoyato ayuu yiri oday da’ah oo ka tirsanaa ciidankii xooga dalka ee Jigjiga xoreeyay 1977.


Warka wasiirka ayaa aad loogu farxay ayadoo inta badan kooxdan gaaleyntu wax xasuuqaan hadana dib u galaan magaalada.

Isgoyskan xaafada Wadajir ayaa ahaa goob mashquula xilliga ay la eegteen qaraxa.


Kooxda gaaleynta Muslimiinta ayaa ku faraxda sheegashada xasuuqa dadka Muslimka ee Somalida, waana gaarigii shanaad ee bishan ay u qarxiyaan sidan oo kale.

Khasaaraha xasuuqan ayaa lagu sheegay 9 ruux oo shahiidey iyo in ka badan 15 dhaawaca.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.