X

Faahfaahin weerar argagixisadu ku qaaday Gaalkacyo oo la soo afjaray iyo tirada xasuuqa: SAWIRO

Weerar saakadii hore kooxda gaalaynta Muslimiintu ku qaaday Gaalkacyo ayaa hadda lagu guulaystey in la soo afjaro. Ciidanka amniga ayaa diley dhamaan argagixisadii gashay xarunta sheekh Cabduwelli Cilmi Yare.


Guusha ugu weyn ayaa ah in mid ka mida kooxdii gaalaynta Muslimiinta gacanta lagu dhigey. Kooxda ayaa dushey sheekh Cabdiweli Cilmi Yare, xaaskiisa iyo laba wiil oo u dhalay. Sheekha ayay hore diinta uga saareen saakana diinta.

Weerarkan ayaa isugu jira mid is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameed saday xarunta. Dadka ay xasuuqeen waxa ku jira haween iyo caruur.


Ku dhawaad 15 ruux oo uu ku jiro Sheekh Cabdiweli Cilmi Yare ayaa ku shaiidey weerarka kooxda gaaleynta. Waxana isla goobtaas ciidanku ku dileen afar ka mida kooxdii gaalaynta Muslimiinta ee weerarka soo qaaday kuna faantey xasuuqa muslimiinta.

Hoos ka fiirso masuuliyiinta Galmudug oo booqdey goobtii xasuuqa

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.