X

Argagixisada Afganistaan oo aroos ku xasuuqay dad badan

Wararka ka imaanaya galbeedka caasimada dalkaasi burburey ee Afganistaan ee Kaabul in dad farxada ku jira argagixisadu bambo u qarisay. Dhimashada ayaa la sheegayaa inay kor u dhaafayso 50. Aroosyada Afganistaan ayaa caadiyan waxa ka soo qayb gala in ka badan 300 oo qof.


Wasaarada arimaha gudaha ayaa sheegtay in dhimashadu badan tahay laakiin ay hadda raadinayaan xaqiiqda wixii dhacay. Hoolka uu ka dhacayay aroosku ayaa waxa lagu arkey meydad googo’ay iyo haween qaylinaya.

Dhaawaca ayaasii cagaxagaynaya ilaa 80 qof oo ay ku jiraam kuwo xaaladoodu liidato.

Argagixisada Wahaabiyada Daacish iyo Talibaan ayaa ku raaxaysta dhimashada dadka faraha badan ee Muslimiinta. Goobaha Muslimiintu ku caweeyaan ee la buuxo waa dhulka ay ugu jecelyihiin inay isku qarxiyaan.


Xilliga xasuuqan dhacay oo habeen ah Ayaan la heli Karin qasaaraha dhabta ah. Maaha markii ugu horeysay ee la xasuuqo dad aroosa maadaama argagixiso waxba ixtiraamin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.