X

Dawlada Somaliya oo war ka soo saartey doorashada Kismaayo

Dawlada Somaliya ayaa war ka soo saartey doorashada uu Axmed Madoobe Ka bilaabay Kismaayo kuna tilmaantey mid xaaraana oo aan sharciga waafaqsanayn. Horjoogaha Butlaan Siciid Demi ayaa taageeray doorashada Axmed Madoobe qabtey.


Wasaarada arimaha gudaha war ay soo saartey ayaa lagu sheegay in dib u heshiisiin dhaba laga samayn doono Jubooyinka si loo helo midaam xalaala oo la wada leeyahay.

Warka dawlada ayaa u eg mid ku dhacaya cidlo maadaama Axmed Madoobe Kiiniya wadato Una yahay gorgortan ay Somaliya kaga fushato danaheeda.


Dawlada ayaa ku celisay in ilaa la maro wada saxda ah ayna aqoonsanayn waxa  Kasta oo dhaca Kismaayo. Kiiniya ayaa Kismaayo soo gashay dhowr sano kahor waxayna ku fushataa danaheeda gaarka sida dhulbalaarsi iyo kheyraadka badda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.