X

Argagixisada ajaanibta ah ee jooga Somaliya oo gaajo la soo daristey dibna u noqonaya

Argagixisada ajaanibta ah ee jooga Somaliya ayaa gaajo la soo deristay dibna noqonaya dalalkooda. Ilaa 10 argagixiso oo been loogu sheegay inuu jihaad ka jiro Somaliya ayaa ka waramay xaalada ay hadda ku sugan yihiin iyo waxa kalifay inay is dhiibaan.


Qaar ka tirsan argagixisada oo isku dhiibey ciidanka Kiiniya ayaa sheegay in ay haysatey xaalad xun oo aan lagu noolaan karin. Ajaanibtan ayaa ku noolaa xoolaha laga bililiqaysto magaalooynka ay argagixisadu xooga ku haystaan.

Ninka la baxay Cumar Siciid Cumar oo isku dhiibey ciidanka Kiniya ayaa sheegay in ayna helin cunto mararka qaarkood sadex cisho weligeyna taasi iguma dhicin, inkastoo aan ka imi qoys fiqiira si aan nolol uga helo Somaliya ayu yiri.


Waxa taas ka daran in si xun ay noola dhaqmeen kooxdii aan ka tirsanayn. Had iyo jeer waxa nala siiyaa hambada ugu dambeysa marka xoolaha la soo dhaco marka hore loo qaybiyo Somalida dagaalamaysa.

Cumar ayaa leh waxaan sameeyay waxkasta si aan u soo baxsado laakiin hooyadey ma cafiyi doontaa waayo waxaan soo diley dad kale oo ay hooyo dhashay.


Janadu hooyadey hoosteeda ayay taalaa jihaadka hadda aan rabo inaan ku guulaysto waa kaas markii horena dambi weyn ayaan ku jirey ayuu yiri Rama Maxamed oo argagixisada kaga soo biirey Mambasa.

Waxba kama jiraan lacagtii naloo sheegay markaan ka mid noqonay argagixisada ayuu yiri Sheekh Cabdul oo ka yimi Panda Ngu oo Kiiniya ah.


Waxa gaajada noo dheeraa weerar joogta ah oo hurdo noo diidey ayuu raaciyay Rama. Noqoshada argagixisada oo aan la ogeyn intey caruur ka tageen ayaa ah war aad loo soo dhaweeyo ayadoo iscun ka dhex bilaabmey.

Sadexdan argagixiso iyo kuwo kale oo dhamaantood ka yimi Kiiniya iyo dalalka la jaarka ayaa isku dhiibey ciidanka Kiiniya halkaas oo baaritaan ku socdo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.