X

Maxkamad ku taal New Zealand oo ka farxisay qoys reer Jabuuti ah oo qoxootinimada lagala noqdey

Maxkamad ku taal New Zealand ayaa ka farxisay qoys reer Jabuuti ah oo qoxootinimada lagala noqdey. Raxma Maydhane Dhimbiil iyo ninkeeda Xuseen Fariid Shireh ayaa baasaboor Jabuutiyaan ku galay New Zealand sanadii 2002.


Waxase dhacdey inay dib isku dhiibtey Raxma Maydhane ayadoo isticmaalaysa magac cusub markana sheeganaysa in ay Somaliya ka timi. Waxa dib loogu ogolaadey in ninkeeda Xuseen Fariid loo keeno. Waxay lahaayeen hal wiil markey New Zealand soo galeen ugu horeyn.

Markii Xuseen la siiyay deganaansho ayaa la ogaadey inay hore dalka u soo galeen. Waxa markiiba qolada soo galootigu kala noqdeen sharcigii qoxootinimada ee Raxma Maydhane ay siiyeen maadaama ay been isku dhiibtey isagana been ku soo gelisay.

Raxma oo hadda haysata dhalashada New Zealand ayaa ka baxsadey New Zealand una baxsatey Ustaraaliya ayadoo caruuteedii oo hadda sadexa kaga tagtey ninkeeda.


Raxma ayaa ku doodey in aan lagu celin karin Somaliya waayo ayay tiri waxay halis ugu jirtaa in qoyska Xuseen Fariid uu waxyeelo u gaysto iyada maadaama ay ka soo jeedo dadka la haybsooco.

New Zealand ayaa xaaladu ku adkaatey ayagoo ku dhici waayay inay dhalashada kala noqdaan Raxma maadaama ay joogto Ustaraaliya sidaasna ku noqon karto bilaa dal.


Waxay isku dayeen inay nidaam kale ku soo celiyaan waxase diidey Ustaraaliya. Ninkeeda ayaa waxa loo jaray ”dib u celin” taas oo ka dhigeysa in caruurta ay dhaleen oo qaarkood ku dhashay New Zealand ku noqdaan dal ayna waxba ka aqoon.

Ugu dambeyn maxkamad ku taal New Zealand ayaa goysay in caruurtu halis ugu jiraan nolol xumo ayagoo ka tagaya dal horumarey una socda dal burbursan waa Somaliyee.

Waxana sidaa loogu ogolaadey in qoysku dib u midoobo loona ogolaado inay dalka joogaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.