X

Argagixisada Daacish oo sii daysay ninkii xasuuqa ka gaystay dad dalxiisayaal ah oo magan u ahaa dal muslim ah

Argagixixada Daacish ama ISIL ayaa sii daysay ninkii ka dambeeyay xasuuqii loo gaystay dalxiisayaal magan u ahaa dalka Muslimka ah ee Tuunisiya. Ninkan oo aan la garanayn in uu fayoobaa maskaxiyin iyadfoo lagu yaqaano argagixisada casalamiga ah in ay kireystaan dad maskaxdoodu iyo caqligoodu aan dhamayn ayay ku soo bandhigeen baraha internet-ka.

Xasuuqa ajaanibta maganta u ahaa dawlada Tuunisiya ayaa gaaraya 27 qof joogey xeebta huteel Marxaba ee Tuunisiya.

Argagixisadan ayaa wax weyn u dhimay diinta Islaamka iyadoo si waxashnimo u diley dad aan waxba galabsan isla markaana magan u ah dawlad Muslim ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.