X

Maamul goboleedka uu muranku ka taagan ee gobolada dhexe oo doortey gudoomiye barlamaan iyo ku xigeenadiisa: akhriso magacyada

Cadaado–Maamul goboleedka uu muranku ka taagan yahay ee gobolada dhexe ayaa doortey gudoomiuye barlamaan iyo ku xigeeno iyadoo tirada xildhibaanada wax doortey ay gaarayeen ilaa 80 xubnood. Gobolada dhexe oo ugu fiqiirsan gobolada dalka ayaa yeelatay 80 xildhibaan aan la garanay cida biilaysa.

Doorashada gudoomiyaha barlaanka ayaa waxa u soo baxay laba xildhibaan oo kala C/llaahi Macalin Gaafow (Asparo) iyo Cali Casar Gacal waxana gudoomiye loo doortey Cali Casar Gacal oo helay coadad gaaraya 45 halka Asaparo helay 39.

Xilalka gudoomiye ku xigeenada ayaa hadda dhamaaday waxana loo kala baxay sidan:

1-Xareed Cali Xareed oo ku guuleystay Doorashada gudoomiye ku xigeenka wuxuuna helay Codad gaaraya 58-Cod
2-Musharax Maxamed Xasan Xuseen ayaa isna helay Codad gaaraya 21-Cod
3-Cabdulaahi Xirsi Maxamed ayaa isna helay 3 Cod.

Dhinaca kale maamulka Ahlu Sunna ee Dhuusamareeb oo ah caasimada gobolada dhexe ayaa iyaguna ku dhawaaqay in ay qabanayaan doorashada iyo maamul u samaynta gobolada dhexe.

Lama garankaro sida ay u aqbali karaan maamulkan Cadaado ee ay dabada ka riixayaan Xasan Sheekh iyadoo uu ku guuldaraystay in uu xaliyo arinta jirta.

C/llaahi Warmooge

ARAABIMNEWS.COM

admin:

This website uses cookies.