05/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Members of al Shabaab, al Qaeda-linked insurgents, ride in a pick-up truck after distributing relief to famine-stricken internally displaced people at Ala Yaasir camp at Km50 outside Somalia's capital Mogadishu, September 3, 2011. More than 800,000 Somalis are refugees, according to U.N. estimates, while up to 1.5 million are displaced within the Horn of Africa country. Picture taken September 3, 2011. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: SOCIETY CIVIL UNREST POLITICS)

Argagixisada Daacish oo soo weerartay Qandala dibna uga gurtey

Kooxdii sida la sheegay ka tirsnayd kooxda Daacish oo Saaka qabsaday degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa isaga baxday sida uu noo sheegay mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada ee aaday Qandala.

Mid kamid Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in shacabka magaaladu soo weceen iyagoo kusii socda degmada , islamarkaana u sheegeen in kooxdii isaga baxday magaalada.

Sarkaalka ayaa tilmaamay inaysan garanayn halka ay uga baxeen magaalada, balse Qandala ayaa ah magaalo xeebeed buuralay ah waxaana loo malaynayaa in ay galeen buuraha magaalada ku xeeran.

Puntland ayaa ciidamo maanta u dirtay magaalada si ay uga saaraan magaalada Daacishta la sheegay inay qabsadeen, dad badan ayaa isaga baxay magaalada markii kooxda lagu sheegay Daacish qabsadeen magaalada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS