November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Argagixisada ISIL oo qarxisey dhismayaal qadiimi ah oo dhisnaa qarniyo kuna yaal magaalada Tadmur ee Siiriya

Argagixisada calamiga ah ee ISIL ama Daacish ayaa qarxisey dhismayaal qadiimi ah oo aan la isticmaalin qarniyo oo xataa ayna burburin muslimiintii xoreeyay Siiriya. Argagixisada ayaa lagu soo waramayaa in ay miinooyin ku xidhey dhismayaashaas qadiimiga ee iska madhnaa ee kaliya loo iman jirin in la arko taariikhda duuga ah ee Siiriya.

Argagixisada ayaa lagu soo waramayaa in dhismo ku taagnaa lix rukun magaalada Palmeyra ay burburiyeen inkastoo magaalada Tadmur (Palmeyra) oo laga qaxay oo ay joogto argagixisada kaliya ay sheegeen in bil kahor la burburiyay.

Siiriya ayaa ahaa dal taariikh leh ilaa iyo intii argagixisadu ayna ku soo hoos dhuuman kacdoon ka jirey ayna dalka wax dhintey iyo wax burburey. Argagixisada ayaa waxa taageeri jirey Maraykanka, Yuhuuda, Sucuudiga, Qadar iyo Turkiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM