Degmada Aadan Yabaal ayaa dadka degani ay ku noolyihiin nolol u dhaxaysa cabsi iyo jahwareer iyo qax joogta ah. Usbuucyo hore ayay ahayd markii ciidanka Amisom iyo kan Somalidu ka xoreeyeen argagixisada degmada Aadan Yabaal hadana dib uga baxeen. Wararka maanta ayaa sheegaya in markale laga xoreeyay.
Ka bixitaanka argagixisada Shabaab ayaa ka dambeysay kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo wata dabaabaadka Dagaalka ay soo gaareen Duleedka Degmadaasi.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saaka lagu soo waramayaa in ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka wadaan Duleedka Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh.Dhexe.
Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegay in argagixisadu sii ogaayeen ciidanka Somalida iyo kuwa Amiosom ee socda kana sii caraabeen tuulada. Aadan Yabaal ayaa weaxa ka dhacay Qaraxyo dhowr ah oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Xaalada Degmada Aadan Yabaal ayaa kacsan maadaama Ciidamada Huwanta ay qorsheenayaan in ay markale gacanta ku dhigaan Degmada Aadan Yabaal.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay