21/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada Moosul oo jahwareeriyay ciidanka Ciraaq iyo sidey ku baxsadaan oo laga waramay

Argagixisada Moosul ayaa jahwareeriyay ciidanka Ciraaq iyo sidey ku baxsadaan oo ciidanka dalkaasi ka waramay. Argagixisada ayaa caadiyan wejiga qarsata taas oo muujinaysa in diinta shaydaanka ee ay wataan ay qalad tahay.

Ciidanka Ciraaq ee ka sifaynaya guryaha ugu dambeeya ee ay rasaasta ka soo ridayaan magaalada Moosul ayaa sheegay in dadka shacabka ah soo raacaan markay baxsanayaan ayagoo xiran dharka dumarka ee madow ee ay caanka ku yihiin carabta Khaliijka laakiin Daacish ku qasabtey in ay xirtaan haweenka reer Ciraaq.



Ciidanka Ciraaq ayaa sheegay in ay qabtaan maalin kasta argagixiso baxsad ah ayagoo dharkaa dumarka xidhan gadhkiina xiirey cabsi awgeedna gariiraya. Waxaad is waydiin kartaa diintii ay sheeganayeen aaway ayuu yiri Koloneel Cabaas oo ah Sunni baacsanaya argagixisada magacooda iyo dadkooda barakiciyay.

”Wuxuu yiri waxaad hadda eeganaa dharka dumarka ee madow waxana hubaala in waxa ku dhex jiraa ay yihiin fuleydii Daacish ee guryaha dadkii lahaa ay qixiyeen rasaas ka soo ridaya.



Aaway ayuu yiri diinta ay sheegtaan markey guryo dad leeyihiin bilaa ogolaansho galayaan dhufeysyana ka samaysanayaan. Waxay dadka Moosul bilaabeen in ay farta ku fiiqaan ayuu yiri Koloneel Cabaas.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS