X

Argagixisada oo dil foolxun ka gaysatey Hiiraan

Argagixisada ayaa dil foolxun ka gaysatey Hiiraan. Degmada Wanlaweyn ayaa xalay argagixisadu ka fulisay xasuuq foolxun oo ay u gaysatey nabadoon caan ka ahaa magaalada.



Nabadoon Macalin Maxamed Cabdi (Macalin Jeelle) ayaa argagixisadu gurigiisa ku dhex dishay xilli saq dhexe ah sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dad deris lahaa Marxuumka la dilay.



Nabadoon Maxamed Cumar oo ay ehel yihiin marxuumka dhintay ayaa saxafada u sheegay inuu banaanka u soo baxay marka uu rasaasta maqlay balse argagixiso afduuban oo hubeysan ku amreen inuu gurigiisa ku laabto hadii kale ay khaarajin doonaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.