X

Argagixisada oo gaari ku qarxisay Muqdisho iyo qasaaraha jira

Argagixisada oo gaari ku qarxisay Muqdisho iyo qasaaraha jira. Gaarigan la qarxiyay ayaa waxa la sheegay inuu lahaa wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu u shaqeeyo dawlada.



Ciidanka amniga ee feejigan ayaa dadka uga digey gaarigan intuuna qarxin una sheegay inay ka fogaadaan laakiin intii taas la waday ayuuba qarxay. Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay Qaraxaasi labo ruux oo la sheegay in mid uu yahay taliye ku xigeenka Ciidamada Nabadsuggidda degmada Waabari.

Ma jirto waxyeelo soo gaartay ruuxii Qaraxa loogu xiray gaarigiisa.



Gaariga Qarxay waxaa uu nuuciisa uu yahay PREMIO sidda ay xaqiijiyeen dadkii ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay. Lama garan karo in shaqsiga lahaa gaarigan uu ka mid yahayargagixisada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.