X

Qarax qasaare gaystey oo argagixisadu ka fulisay Gaalkacyo

Wararka naga soo gaarayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ku shahiideen sadex ruux oo la sheegay inay askar ahaayeen dhaawac kalana uu jiro.



Dhimashada falkan isqarxin ee argagixisadu fulisay ayaa waxa ku jira taliyaha ciidanka xooga dalka Somaliyeed gaashaanle sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye) oo naftii haligaha argagixisadu la eegtay qaraxa gaarigiisa.

Weerarkan fuleynimo ee ay fuliyeen argagixisada ayaa naftii haliguhu ku fuliyay sarkaalka halka inta kale ee dhaawacantey ay u badan yihiin askar.



Dhaawaca dad ayaa loola cararay isbitaalada waxana la bilaabey baaritaan sida qaraxu u dhacay iyo inuu halka uu ka yimi naftii haligaha fuliyay qaraxa.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.