X

Argagixisada oo laga xoreeyay magaalo xilli hore la dejiyay dadkii abaaraha

Argagixisada ayaa laga xoreeyay magaalo xilli hore la dejiyay dadkii abaaraha ee gobolada Togdheer iyo Sool. Ciidanka xooga dalka oo taangiyada culus ay ku taageereen Amisom ayaa u dhaqaaqay dhinacaas.



Waxay dagaal la’aan gacanta ku dhigeen magaalada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Argagixisada ayaa markiiba magaalada ka carartey intaan ciidanku ku soo bixin.



Hadii aan dib u laabano Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya AMISOM iyo Ciidamo Cadaan ah ayaa shalay aroortii hore ka saaray Shabaab degaanada Mubaarak, Daarusalaam, Ugunji, iyo degmada Awdheegle, balse xalay goor dambe ayay ka baxee.



Argagixisada oo ku soo noqotey Aw-Dheegle ayaa xasuuqdey dad la shaqeeyay ciidanka taas oo dad badani ka caroodeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.