Argagixisada Koofurta Somaliya ee shabaab ayaa qarax la eegtay gaadhi Hindiga bajaajta loo yaqaan oo marayay meel ka mida magaalada Muqdisho.
Qaraxaani oo uu ka dhashay qasaaro kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn Wadada Warshadaha, agagaarka Warshada Biyaha Caafi ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid dhulka lagu aasay ayaa waxa uu haleelay Mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah oo tiro ahaan lagu sheegay ilaa Sedex ruux.
Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxa uu dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray Sedexda ruux ee la soctay mootada kuwaasi oo markii danbe loola cararay xarumaha caafimaadka.
Ciidamo ka tirsan Dowladda oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo, walow aan weli la soo sheegin dad Qaraxa loo soo qabtay.
Qaraxan ayaa waxuu qeyb ka noqonayaan Qaraxyo is xigay oo maalmihii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo ka mid Caasimada Dalka Soomaaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay