20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada oo qarxiyay maqaaxi ku taal Muqdisho iyo khasaare ay gaysteen

War deg dega: Gaari laga Soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa goor dhaw ku qarxay Maqaayadda Rajjo oo ku taalla Xaafadda Beexaani ee Degmada Shibis Ee Gobalka Banaadir.

Qof kamid ah dadka Maqaayadda ka cunteeynayay ayaa sheegay in banaanka maqaayadda la dhigay gaari ay walxaha qarxa ka buuxaan halkaasina uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Dhagaha ayaa i xiran si wanaagsan waxba uma maqlo Alle ayaa naga badbaadiyay Qarax ay argagixisadu ku xasuuqdey dadkeena kaas oo la dhigey banaanka maqaayadda la soo dhigay dhimasho iyo dhaawac ayaa jirta” Ayuu Yiri Goobjogahan Oo Magaciisa Qariyay.

Sargaal ka tirsan ciidamada Booliska oo goobta gaaray waxyar kadib markuu qaraxu dhacay ayaa sheegay in ay dhinteen 2-caruur oo Caseeye ah iyo Qof kale oo meydkiisa uu ku arkay Banaanka Maqaayadda Rajjo ee Degmada Shibis.

Maqaayadda Rajjo Waxa ay kamid tahay Maqaayadaha ugu Mashquulka Badan magaalada Muqdisho, Waxaana qaraxan uu dhacay iyadoo lagu guda jiro waqtiga Qadada.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS