25/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada oo reer Bydhabo gureec uga dhigtey madaafiic iyo inta xasuuqu leegyahay: SAWIRO

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi qeybo kamid ah lagu garaacay madaafiic geesatay qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiicdan oon la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa ku dhacay xaafado ay degnaayeen dad shacab ah, waxaana maamulka Magaalada Baydhabo ay ku eedeeyeen in madaafiicdan soo tuuren dagaalyahano katirsan argagixisada.

Inta la xaqiijiyay afar qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday madaafiicda lagu garaacay magaalada Baydhabo, waxaa sidoo kale Madaaficdan ku dhaawacmay in ka badan 20-qof oo shacab ah kuwaa oo la dhigay Isbitaalka Baydhabo.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa aad uga argagaxay madaafiicdan xalay lagu soo garaacay magaaladaasi, lamana oga halka bartilmaameedka u ahaa maaafiicdan qasaaraha uu kasoo gaaray dadka shacabka ah.

 

IMG_1957-640x427[1] IMG_1957-1024x683[1]

IMG_1940-1-1024x683[1] IMG_1945-1024x683[1] IMG_1946-1024x683[1] IMG_1948-1024x683[1] IMG_1955-1024x683[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS