X

Argagixisada oo weerar gaadma ah ku qaadey taliye ka tirsan NISA iyo faahfaahin

Argagixisada ayaa weerar gaadma ah ku qaadey taliye ka tirsan NISA iyo faahfaahin ka soo baxaysa weerarkaas fuleynimo. Argagixisada ayaa baryahan looga quus gooyay isqarxintii dadka ay ku xasuuqi jireen.

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka ayaa sheegay argagixiso wadatay gaari noociisa uu yahay NOOHA inay weerareen Taliyaha, xilli uu ku guda jiray shaqooyinkiisa maalinlaha ah.



Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay askari ilaalo u ahaa Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda, halka sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Taliyaha oo loo qaaday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, waxaana taliyaha ugu dambeyntii uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Argagixisadii ka dambeysay falka lagu beegsaday Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda ayaa ka baxsaday goobtii ay weerarka ka gaysteen.



Dilalka qorsheysan ee argagixisadu ay ku xasuuqdey muslimiinta ayaa kor u dhaafa 45 qof mana sheegtaan dilalka ay iyagu yaqaan in ay yaryihiin, waxayse sheegtaan kuwa ay ku xasuuqaan 30 wax ka badan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.