X

Argagixisadu lug maku leedahay xasuuqii ka dhacay Hawadaay: FAALO

Argagixisadu lug maku leedahay xasuuqii ka dhacay Hawadaay ee lagu beegsadey Somali ka ganacsata qaadka Hawadaayga ee loo soo iibgeeyo dhinaca gobolada Somaliland.

Xasuuqan oo dhacay Isniintii la soo dhaafay ayaa lama filaan ku noqotey labada Qowmiyadood ee walaalaha ee Somalida iyo Oromada ee weliba jaarka ah.



Wey jireen dagaalo goos goosa u dhaxayn jirey Somalida iyo Oromada taas waa caadi waxay ka mid tahay siyaasadaha Jira ha ahaato mid dhuleed iyo mid deeqsin oo inta badan waxa kiciya dagaalada.

Federaalka Itoobiya ayaa dadka qaarkii ku sheegaan in uu qeyb ka noqon karo inkastoo lagu mahadiyay nidaamka federaalka ee ka Jira Itoobiya ee ku salaysan qowmiyadaha kala jaadka ah.

Dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa iyadu baadheysa kooxda dilka gaysatey iyo ujeedada ay u fuliyeen xasuuqan aan loo meel dayin ee lala beegsadey ganacsato iibinaya qaad Oromadu beerto.



Waxa hubaala in nin ku nool lacagtaada aanu marnaba far dhaqaajin karin in uu ku soo dhaweysto mooyee. Hadaba waxa dadka qaar is weydiinayaan in weerarkan ay gaysteen argagixisada Shabaab oo heshay cid fulisa danahooda.

Argagixisadu hal ujeedo ayay lahaan kartaa oo ah in Somalida ka gooyaan qaadka Itoobiya ka imanaya taas oo aad moodo in ay ku guuleystaan ilaa hadda.



Sida kaliya ee lagu xaqiijin karo cida weerarka gaysatey iyo ujeedada ay lahaayeen waa in dawlada dhexe ee Itoobiya baadhida ay wado ka soo saarto war buuxa iyo haddii ay jiraan cid loo qabtey maadaama dadkii weerarka fuliyay joogaan dalka.

Waxase amaanleh dadka ku nool gobolada Somaliland ee Hargeysa iyo Boorama oo aan iyagu laabla kac iyo dano ganacsi aan uga aargoosaan dadka masaakiinta ah ee Oromada ah ee ku nool goboladaas.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.