Argagixisada ayaa xasuuqdey 22 qof magaalada Manjester ee Ingiriiska iyo dhaawaca oo tiro badan. Dad goob joogayaal ayaa sheegay in argagixisku isku qarxiyay goob bartan ah laakiin aan ahayn gudaha.
Argagixiska is qarxiyay oo meesha ku googo’ay ayaa isticmaalay qaraxa nooca laga soo buuxiyay masaabiirta kaas oo dad badan dhaawacay oo masaabiirtu gashay.
Booliiska Ingiriiska iyo hay’adaha sirdoonka ayaa sheegay in ay garteen qofka isqarxiyay laakiin ay hadda eegayaan in uu ahaa kaligii iyo in cidkale kula jirtey.
Diinteena macaan ayaa ogolayn in la banaystey dhiiga bani aadamka Muslim iyo gaalba. Dagaalkuna wuxuu leeyahay sharci la yaqaano oo rasuulkeenu inoo cadeeyay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS