Argagixisada ayaa xasuuqdey gudoomiyaha maxkamada ciidanka qalabka aabihii. Xasan Cali Shuute waa gudoomiyaha maxkamada ciidanka oo kiisas badan xukun ka soo saaray.
Argagixisada oo hadda bilowdey aargoosiga tooska ah ayaa Xasan aabihii oo ka soo baxay salaada Maqrib u gashay halkaasna ku diley. Argagixisada ayaa caan ku ah inayna tukan laakiin Muslimiinta tukada masaajida ku suga.
Hay’adaha ammaanka, ayaan weli ka hadlin tallaabada lagu dilay ninkan odayga ah, balse dilkiisa ayay ku wargeliyeen Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda.
Gudoomiye Shuute, ayaa Isniintii bilaabay dhageysiga eedeymo loo haysto rag la sheegay inay ku lug lahaayeen qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay