X

Argagixisada oo xasuuqdey oday dhaqameed soo xuley ergada barlamaanka

Argagixisada shabaab ayaa xasuuqdey oday dhaqameed soo xuley ergada barlamaanka u matala Jubooyinka. Argagixiso bastoolado wata ayaa gurigiisa ku dhex dilay maxruun Xasan Codey Julaas.



Xasan ayaa si weyn looga yaqaanaa dhamaan gobolka Jubooyinka gaar ahaan gobolka Gedo. Nin ka tirsan dadka degaanka ayaa sheegay in ninkaasi ay dileen laba nin oo watay mooto/dhugdhugley, kuna hubeysnaa bastoolado.

“Ragga waxay gudaha u galeen hoyga marxuumka, ka dibna way ku dhex dileen, marxuumka laba cisho ka hor ayuu soo booqday reerkiisa oo halkan ku dhaqan, wuxuuna ka soo tagey magaalada Garbahaarey oo uu deganaa.” Ayuu yiri Qof ka tirsan dadka degaanka.



Xasan Codey Julaas ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Maaha oday dhaqameedkii ugu horeyay ee argagixisadu ku guraacato.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.