17/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada shabaab ayaa xasuuq ka wada huteelo ku yaala Muqdisho xilli aftur loo fadhiyay

Warar hadda soo dhacay ayaa sheegaya in argagixisada shabaab ay weerar ku qaaday huteelo caana oo ku yaala Muqdisho halkaas oo la sheegayo in ay xasuuq ka wadaan. Huteeladan ayaa lagu sheegay huteel Weheliye oo ku yaal wadada Maka AlMukarama iyo huteel Siyaad oo isna u dhow madaxtooyada.

Weerarkan argagixisada ayaa soo qaaday xilli ay dadku afur u fadhiyeen taas oo kuu muujinaysa in argagixisadu ayna Soomanayn. Ciidamada sida aadka ah u tababaran ayaa ku baxay waxana la maqlayaa dhawaqa rasaasta. Waxa la soo sheegayaa in argagixisadu gudaha u galeen.

Weerarada noocana ayaa argagixisadu fulisaa si dadka muslimiinta u xasuuqdo iyagoo ku farxa dhimashada badan kuna dhawaaqa ALLAAHUAKBAR.

Weerarkan ayaa macnaheedu yahay waan joognaa waan weerari karnaa huteelada ay degan yihiin dadka ay ka xun yihiin ee awooda. LASOCO wixii soo kordha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM