12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada shabaab o xasuuq ka gaystey Muqdisho yay markana dileen

Argagixisada banaysatey dhiigeena ayaa qarax ka gaysatey Muqdisho qaraxaas oo ay ka fuliyeen goob dadku joogaan sida caadada u ah.

Qaraxa oo lagu xiray gaari uu watay mid ka mida macalimiinta ka howlgala Dugsiyada Waxbarashada magaalada Muqdisho ayaa lagu khaarijiyay.



Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Dharkeynley, gaar ahaan agagaarka Suuq Boocle, waxaana macalinka qaraxa lagu dilay magaciisa lagu soo gaabiyay Macalin Aadan.

Macalinkan ayaa ka shaqeyn jiray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Halgan oo ku taala degmada Dharkeynley. Lamana oga sababta loo beegsaday macalinka inkastoo ay jiraan warar aan la hubin oo sheegaya in macalinkaan uu ahaa sarkaal qarsan oo ka tirsan NISA.

Maalmihii dambe waxaa si xowli ah ugu kordhay magaalada Muqdisho qaraxyada lagu dilayo dadweyne kala duwan iyo dilal khaarijin ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS