November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Argagixisada shabaab oo aan ka xishoon in ay dadka u soo bandhigaan naftii haligihii muslimiinta xasuuqay

Argagixisada shabaab oo xasuuqdey in ka badan 30 qof oo ayna jirin cid u ooyaysa oo hadda loo aamusay in ay dilkaa Muslimiita wadaan ayaan ka xishoon in ay soo bandhigaan ninkii caqliga ay ka xadeen ee xasuuqa gaystey.


Naftii haligahan ayay ku sheegeen in uu ka yimi kilinka shanaad kana soo jeedo qabiilka Ogaadeen inkastoo waxaas oo dhan ayna muhiim u ahayn dadkii uu xasuuqay.


Ninkan oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Fatxi C/llaahi Dheeg, ayaa hore uga tirsanaa askarta maamulka Jubba wuxuuna ka baxsaday magaalada Kismaayo kadib markii uu khaarijiyay taliyihii hore ee ciidamada nabadsuggida Jubba Ciise Alaaki oo ku magac dhereaa (Ciise Kaambooni), kaasoo dilkiisu ka dhacay Kismaayo 19-kii Feberaayo sanadkii 2014.


Argagixisada ayaa ku fushatey dhowr dilal oo uu ka fuliyay Kismaayo. Ciidanka Jubba ayaa lagu qoraa qaab qabiil sida ka jirta maamul jufeedyada dalka.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS