15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada shabaab oo habeen madow ka cararay degmadii ugu dambeysay ee ay kaga sugnaayeen Shabeelaha dhexe

Waxa degan xaalada Degmada Aadan Yabaal Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo xalay ay la wareegeen Ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM kadib markii habeen madow ay argagixisadu ka carowdey.

Aadan Yabaal oo aheeyd Deegaan Muhiim u ah Shabaab waxay xukumayeen oo dadkii xoriyad la’aan ahaa muddo sagaal sano ah waxayna ka mid ahayd deegaanada ay dhalintu ka dhamaatey.

Degmada Aadan Yabaal waxay ahayd degmada kaliyaha ee argagixisadu kaga sugnaayeen Gobolka Shabelleha Dhexe iyadoo inta kale laga sifeeyay muddo hore dadkana ku dhex dhuuntaan.

Lama oga halkii ay aadeen argagixisadii horey u maamulayey degmada Aadan Yabaal waxaase wararka qaar ay sheegayaan in duleedka magaalada meel aan sidaa uga fogeeyn in ay ku sugan yihiin.

Dadkii ku sugnaa Degmada ayaa badankood ka barakacay ayagoo ka baqdi qaba in korkooda ama argagixisadu dhufeys ka dhigato guryaha magaalada lagu dagaalamo oo ay qasaaro ka soo gaaraan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS