Argagixisada xalaashatey dhiiga muslimiinta ayaa xalay maqribkii ku diley haweenay ahayd gudoomiye waaxeed. Haweenaydan ayay kooxdu diinta ka saartey kadibna sidaa dhiigeeda ku xalaashadey. Laba argagixiso oo aan lahayn caqli ku filan ayaa dilkan fuliyay kadibna goobta ka cararay sidii caadiga ahayd.
Haweenaydan ayaa ku nooleyd xaafada Maanabooliyo ee degmada Shibis ee Muqdisho ayaa la sheegay in dilkeedu ka dhacay guri ay ka degan tahay. Waxa goobta dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan gobolka halkaas ka bilaabay baaritaano.
Argagixisada ayaa lagu yaqaan dilalka qorsheysan iyagoo inta badan adeegsada dhalinyaro caqligoodu ku filneyn oo marka la soo qabtana muujiya weji naxdinleh.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay