Wararka laga helayo gobolka Gedo gaar ahaan deegaanka Baardheere ayaa sheegaya in argagixisada oo aan ka xishoon xataa goobaha cibaadada ee RABI ay weeraer ku qaadeen masaajid.
Masaajidka ayaa lagu tukadey salaadii cisho sida muuqatana iyagu ma tukan ee waxay ku mashquulsanayeen sidii ay u qarxin lahaayeen masjidka.
Masjidka Qaraxa Bambaano lagu weeraray ayaa la sheegay in salaadii Cishaha ay ku dukadeen masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Maamulka Dowlada ee Degmada Baardheere, waxaana Majidkaasi lagu soo tuuray bambaano xili salaada laga soo baxay.
Dad ku dhaw 10-qof oo u badan shacab ayna ku jiraan Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowlada ayaa ku dhaawamay qaraxaasi Bambaano, waxaana suurto gal ah in qasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato.
Ciidamada amaanka ayaa durba qaraxa kadib howlgalo balaaran waxa ay ka sameeyeen Degmada Baardheere gaar ahaan aaga Masjidka Bambaanada lagu weeraray, walina lama oga in ciidamada qabteen ragii weerarkaasi bambaano ka dambeeyay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay