09/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada shabaab oo yeelatay saxaafad faceboog oo u hadasha iyo nin hore u waraystey argagixisada oo hogaamiya

Argagixisada shabaab ayaa yeelatay saxaafad faceboog oo u hadasha iyo nin hore u waraystey argagixisada oo hogaamiya. Wariyahan oo Ingiriiska ku nool ayaa argagixisada u sameeyay shabakad la yiraa Dalsoor wuxuuna inta badan faafiyaa warar beena oo aan jirin si uu iskaga horkeeno Somalida iyo Itoobiya.

Somaliya cadow ayay leedahay waana argagixisada shabaab, wariyahan wuxuuna oo ahaa wariye hore ugu shaqayn jirey saxaafada Ingiriiska laakiin aaminsan fikirka argagixisada ayaa hore u waraystey afhayeenkii argagixisada dhiigmiirad Cali Dheere.

Wali lama arag isagoo ka hadlaya xasuuqa argagixisada u gaysteen shacabkeena ama ka soo duubaya wuxuuse ummada ku wareeriyay warar beena oo ku saabsan Itoobiya.

Dhawaan ayuu shiki geliyay muxubada Somalidu u qabto Turkiga markii uu soo dhigey calaamad suaal taageerada ay u muujiyeen madaxweyne Erdogan. Dabcan argagixisada shabaab waxay cadow u ah horumarka wayna necebyihiin Turkiga.

Waxaad is waydiin kartaa ma Itoobiyaa cadow ku ah Somaliya mise Somalidaa isku cadow ah oo u kala badiya Itoobiya. Dawlad kasta waxay xaq u leedahay in ay iska MOOSTO khatarta ka imanaysa dal ay dadkiisu burburiyeen iyagoo u ordaya wadamada uu tartanku ka dhexeeyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS