Kooxda aduunka ugu xun ee Daacish ee ku qadhaabata diinteena ee Sucuudigu maalgeliyo ayaa nolosha ku gubtey askar Turki ah oo ay qabteen.
Madaxweynaha urur diimeedka akhwaan Muslimiin ee Turkiga Erdogan ayaa ka calaacalay arintan. Turkiga ayaa diidey in ay caawimo u fidiyaan Kurdiyiinta dhulkooda ka sifeeyay argagixisada Daacish hoos ahaana ula jirey.
Argagixisada ayaa sawirada soo dhigtey labadan askari oo ay nolosha ku gubayaan. Labadan askari ayay gaadmo ku qabteen iyagoo ku jira gudaha Siiriya.
Muuqaalka ay baahiyeen kooxdan Sucuudigu maalgeliyo iskuna Daacish ayaa waxaa ka muuqda labada askari oo silsilad ku xiran dabna gadaal looga soo shiday , waxaana ragaasi oo xiran darees ciidan ciqaabaya dagaalyahano katirsan Kooxda Daacish.
Dowlada Turkiga ayaan wali ka hadlin muuqaalkan ay soo bandhigtay Kooxda Daacish, walina lama huba jiritaanka labada nin ee Kooxda Daacish nolosha ku gubeen in ay katirsanaayeen ciidamada dowlada Turkiga.
Erdogan oo hoosta ka wata urur diimeedkiisa akhwaan muslimiin ayaa gudaha u galay dalka Siiriya waxayna gacanta ku dhigeen magaalooyin ka tirsan Siiriya.
Maraykanka ayaa marar badan danihiisa ku fushatey kooxdan Daacish ee magacyada badan wadata kaa dagaalanta dalkeena.
Hoos ka fiirso hubka Daacish uu siiyay Maraykanku si loo burburiyo dawlada Islaanmka ah ee Siiriya.
Sawirada askarta ay gubtey Daacish ee ay soo dhigtey bogeeda
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![0x0-daesh-uses-us-made-anti-tank-tow-missiles-footage-reveals-1482447355131[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/0x0-daesh-uses-us-made-anti-tank-tow-missiles-footage-reveals-14824473551311-300x191.jpg)
![aper_1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/aper_11.jpg)
![aper_3[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/aper_31.jpg)
![aper_4[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/aper_41.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay