X

Argagixisada Taalibaan oo laga eryaday 3 magaalo duleedka caasimada Kaabuul

afQAANISTAAN

Wararka laga helayo dalkaasi Afqaanistaan ee gacanta loo geliyay argagixisada Taalibaan ayaa sheegaya in dhiigmiiratada laga eryada 3 magaalo oo ku yaala duleedka caasimada Kaabuul. Qabsashada ayaa timi kadib markii dadku kacdoon ka sameeyeen argagixisada oo ku bilowday guri giri baadhis.


Sarkaal hogaaminayay kacdoonka oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhiigmiiratadu ooda jebiyeen markii la diley maleeshiyo farabadan oo markii hore loo baneeyay degmooyinka.

Waxa ugu horeyn laga dejiyay dhamaan goobahaas calanka argagixisada dibna loo sudhey calanka dalka ayuu raaciyay sarkaalkaas. Muuqaal muujinaya calan dejinta ayaa la soo dhigey baraha bulshada.


Dhiigmiiratada Taalibaan oo Bakistaan taageerto ayaa u badan qowmiyada Bashtuunka ama Badhaanka halka Afqaanistaan ay ku noolyihiin 32 qowmiyadood.


Qowmiyadaha Tajik iyo Turkiiga oo iyaguna ah qowmiyadaha labaad ee dalkaas ayaa iyagu sheegtay inay aqoonsan yihiin madaxweyne ku xigeenka dalkaasi oo hadda ku sugan dooxada Banjir.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.